6 qof oo ku dhimatay dagaal Beeleed ka dhacay Mandheera

Spread the love

Ugu yaraan lix Qof oo shacab ah ayaa ku dhintay halka ay labo kale ku dhaawacmeen kaddib markii shalay gelinkii dambe ay dabley hubeysan weerar ku qaadeen tuulo lagu magacaabo Banisa.

Dadka dhintay ayaa ahaa dadkii degganaa Tuulada Banisa,waxaana weerar ku qaaday koox kale oo hubeysnaa,iyada oo dadka halkaas ku dagaallamayana ay ka soo kala jeedaan labo Qabiil oo ka mid ah Somalida Kenya.

Weerarkaas waxaa ay warbaahinta Kenya ku sheegtay in uu ahaa aargoosi qabiil iyada oo Isniintii labo ka  mid ah qabiilka shalay dilay 6da qof lagu dilay dhinaca Itoobiya.

Labada Qabiil ee diriraya ayaa kala ah Garre iyo Dagoodiye oo labaduba ah Soomaalida Waqooyi Bari Kenya,ilaa hadda ma jiro dadaal nabadeed oo laga dhex billaabay labada beelood ee ku dagaallamaya Gobolkaasi.

Falkaas kaddib ayaa qolada la dilay waxaa ay iyaguna sameeyeen aargoosi iyaga oo qof dilay,waxaana hadda socda barakac ay labada beelood ee degaankaas sameynayaan.

Maamulka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay in ay u dirayaan Boolis badan si wax looga qabto in dagaalka sokeeye ee degaankaas uu ka sii daro.

Share This Post