Amiiro Shabab ah oo isku dhiibay Nabad Sugida Soomaliya

Spread the love

Taliska Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka ee ka howlgala gobolka Gedo ayaa soo bandhigay dagaalame Cabdixakiin Xuseen Yuusuf oo horey ugu mid ahaa kooxda ee Al-shabaab, kaasi oo isu soo dhiibay ciidamada Nabad Sugida ee degamda Balad-Xaawo.

Cabdixakiin Xuseen oo ka soo baxay kooxda Al-shabaab kuna soo biiray ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka ee ka howlgala gobolka Gedo ayaa sheegay in Al-shabaab uu ka mid ahaa muddo ku dhow afar sano, isla markaana uu ugu soo baxay dhibaatooyin ay u geystaan dadka shacabka ah.

Saraakiisha NISA ayaa dhankooda sheegay in ay soo dhaweynayaan shaqsi kaste oo horay ugu mid ahaa dagaalamayaasha Al-shabaab ee ka soo baxa.

Share This Post