DHAGEYSO: Ra’iisal wasaare Kheyre oo Amar la yaab leh siiyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

Spread the love

Ra’iisal wasaaaha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa amar ku siiyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir inuu shaqada ka ceyriyo guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo saraakiisha ee shaqadooda ka soo bixi waaya.

Kulan uu la qaatay maamulka G/Banaadir iyo saraakiisha ciidamada Booliska ayuu Ra’iisal wasaare Kheyre ku soo qaaday kulan dhex maray guddoomiyeyaasha degmooyinka G/Banaadir iyo Madaxweyne Farmaajo isagoo xusay inuusan madaxweynaha ku qanacsaneyn xaaladda amni darrada magaalada Muqdisho.

“Laga bilaabo maanta waa inaan amniga magaalada wax ka qabataaan, Haddii Guddoomiyeyaashaada shaqada ka soo bixi waayaan fadlan shaqada ka ceyri…” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre oo si toos ah amarka u siinayay Guddoomiye Yariisow.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaan sharci ahaan wax awood ah ku lahayn maamulka Gobolka Banaadir oo si toos ah u hoostaga Madaxweynaha, laakiin magacaabidda Yariisow ayaa ahayd mid uu Mudane Kheyre ka danbeeyay.

180414_009

Share This Post